news@caynaba.com   Where news comes first  

Voice over Internet Protocol (VoIP),


Audio News
 

 
 



Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo la xidhay!

Friday,  December 1st, 2006

 Gudabaas mid laga keenayoo garaca mooyaane
Ma gilgilo duqaytida ninkii aw ka soo go'aye[1]

Waxaa xalay gurigiisa lagala baxay isla markaana jeelka weyn ee Mandheera loo dhaadhiciyey nin waayeela, waxgarad ah, Suldaan ah oo yidhi "Allah xukunkiisaan aniga iyo reerkayagu doorannay".

Arrintan dhaleecada ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagula kacay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Waxgaradkii ka qayb qaatay baaqii shalay beesha loogu dooray diinta ayaa ah mid oday ka sheekee noqon doonta.

Waa wax caqligu diidayo in ruux karaamadaas leh, oo dalkiisii jooga, in dad iyo dal Islaam u ab sheeganayaa si waxshinnimo leh ugu taxaabaan xabsi aanu geyin. Waxaase taas ka sii foolxun sida aan arrintan looga gilgilan ee weliba dadka qaarkiis Suldaanka ugu eedeeyeen inuu ku kacay wax aan beeshu wada ogayn una dhammayn.

___________________
[1] Xaaji Dallaayad

 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.