Sida
uu sheegay
Sheekh Axmed Islaam oo ah madaxa MMI ee Jubbooyinka ayaa xaqiijiyey
in ciidamada cadawga ah iyo kaba qaadyadooda laga dilay 15 askari 4
gaadhina laga furtay.
Sheekhu waxa uu ku eedeeyay ciidamo Ethiopian ah oo tiradooda uu ku
sheegay 300 iyo ciidamada dowladda Somalia oo gaadhayay 700 in ay
duulaan ku soo qaadeen fadhiisimmahooda. Waxa sheekhu intaa raaciyey
in ay iska difaaceen weerarkaasi, isagoo sheegay in dhanka cadawga
ay ka dileen 16 askari, gacantana ay ku dhigeen 4 baabuur oo kuwa
dagaalka ah iyo tiro ciidamo maxaabiis ah oo aanu cadadkooda sheegin.
Waxa uu intaasi
ku daray in hadii la soo weeraro mar kale ay isdifaaci doonaan isla
markaana ay qaadi doonaan talaabo adag. Axmed Islaam waxa uu intaasi
ku daray in ciidamada maxkamadaha islaamka ay 50 Km u jiraan dhanka
magaalada Baydhabo ee degmada Diinsoor.
Dhanka kale, Madaxa Ammaanka ee MMI
Yuusuf Indhacadde ayaa isna yidhi “Amxaarada iyo nimankii la
shaqeynayey ayaa dagaal ku soo qaaday Diinsoor , waana looga
adkaaday halkaasi ILAAHEY ayaana mahad leh, ciidamadeenuna waxay ku
sugan yihiin halka loo yaqaano Safar nooleys, waxaana ka qabsanay
labo baabuur oo qoryo saaran yihiin iyo labo kale oo saad u siday
ciidamada soo duulay” asagoo intaa ku daray in dhinacooda uu ilaa 1
nin kaga shahiiday dagaalka, tiro kalena ay dhaawacmeen sida uu
hadalka u dhigay.
|