news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



UGANDA oo ka caga jiidaysa ciidamo ay u dirto Somalia

Tuesday,  December 12th, 2006

Wasiiru Dawlaha arrimaha debedda ee dalka Uganda Oryem Okello ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inaanay xilligan ciidammo nabad ilaalin ah u diri doonin dalka Somalia illaa xaaladda ammaanku ka hagaagto isla markaana ay yaraanayso khatarta dagaal ee ka oogan geeska Afrika.

"Waxaan go'aansannay inaannaan xilligan hadda u dirin wax ciidamo ah dalka Somalia. Mr Okello oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi " Xaaladdu si degdega ayay uga sii dartay iyadoo qarka loo saaran yahay khatar dagaal... Ciidamada Maxaakiimtu weli way fidayaan dagaalna way u diyaargaroobeen ciidamadayadana looma tababarin dagaal ee waxa loo carbiyey nabad ilaalin".

Dawladda Maraykanka ayaa dawladda Uganda ku cadaadinaysay inay ciidamo 700-800 ah ku biiriso ciidamo lagu sheegay nabad ilaalin oo uu Maraykanku doonayo inuu ku hor istaago Maxaakiimta Islaamka isagoo u Ethiopina u gacan bannaynaya inay dagaal la galaan Maxaakiimta.

 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.