news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Maxkamadaha oo 7 maalmood u qabtay Ethiopia inay kaga baxdo Somalia

Tuesday,  December 12th, 2006

Madaxa ammaanka ee GMMI Soomaaliyeed oo waraysi siiyey idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay Ethiopia u qabteen inay ciidamadeeda uga baxaan gudaha Soomaaliya.

Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa yiri " 7 casho hadday uga bixi waayaan dalkeenna, wax kasta oo aan karno oo aan dalkayaga uga bixin karnaan ku kacaynaa". Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qiyaastooda ay dalka Somalia ku sugan yihiin illaa 35,000 oo ka tirsan ciidamada taliska Tigre-ga ee Addis-Abeba ka amar ku taagleeya oo ku fidsan dhul ballaadhan oo ka tirsan gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay, iyo Gedo.

Sheekhu oo saaka warkaas siiyey saxaafadda ayaa markuu u warramayey BBC-da ku eedeeyey taliska xaaraanta ah ee Melez Zenawi inay qabsadeen isla saaka magaalooyinka Ceelberde iyo Xuddur.

Sheekha wuxu kooxda Baydhaba ku tilmaamay "Dawlad ku meel gaar ahi ma jirto, nimanka Baydhaba joogaana waa askar Tigre-gu xukumo oo ciidamada Tigre-ga ka mida derejo kasta ha kala lahaadeene."

Sheekha oo la waydiiyey inay digniintani tahay qar iska xoornimo maadaama Ethiopia tahay dawlad xoogle oo taageero ka haysata adduunka waxa uu ku jawaabay "Aduunka Ilaah baa ugu xoog weyn... Ilaahbaa aad noola xoog weyn, ciddii isaga caabudda ee ku tiirsan baa cirbta dambe leh"

Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu war saxaafadeedkiisii hore ku sheegay inay jiraan ciidamo 1500 ah oo Tigre-ah oo ku sugan Kenya oo loo qorshaynayo inay Somalia ka soo weeraraan dhanka gobolka Woqooyi Bari ee Kenya. 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.