|
(BURCO):Culimada
iyo dadweynaha Gobolka Togdheer ayaa Si diirran u soo dhoweeyey
Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur oo si xaqdarro ay uu u xidhay maamulka
Riyoole Cohen dhawaanna xabsiga laga sii daayey.
Culimada ka soo qayb gashay kulanka xaflada
waxaa ka mid ahaa Shiikh Mubaarig Diiriye, Shiikh Jaamac Aadan Xasan,
Shiikh Aadan Axmed Ducaale (ina- Axmed Caare).
Dadweynihii soo dhaweynayey Shiikh Maxamed Maxamuud iyo Culimadii la
socotay waxa Degmada Shiikh kaga hor tegey Kolanyo Gaadiid ah oo ay
Sudhnaayeen Caleemo qoyon ka dib waxaa galbis ku soo mareen
Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Burco halkaas oo Shiikh Dadweynaha
Gobalka Togdheer ku salaamayeen.
Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur wuxuu Dadweynaha kala hadleen isaga iyo
Culimadii la socotay Shiikha, Fagaaraha Khayriyada Magaalada Burco.
Furitaankii Khudbada waxaa ka hadlay Shiikh Aadan Axmed Ducaale (ina
axmed Caare) wuxuuna yidhi sida la yaqaano marka xaflad noocan oo
kale ah laysugu yimaado waxaa lagu gartaa ummada waxay raali ku
yihiin, Dadka qaar baa dabada laga soo ka xeeyaan tan maanta cidi
inama soo abaabulin, Dadka Damiirkooda ayey kaga soo qayb galeen
Waad og tihiin Isu soo baxyada waxaa lagu bixiyaa Lacag, Hadaanay ku
Qanacsanayn.
Waa in aynu ku faraxnaa Walaalkeen Baadilka iyo Dulmiga ku xidhnaa
sii dayntiisa, Dawladii Cabaasiyiin Taariikhda waxaa ku qoran
Iimaamadoodii mid ka mida oo la odhan jirey Haaruun-Rashiid oo
Baqdaad Xukumi jirey ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa yimid C/laahi
Mubaarig soo booqday waxaa la yidhi Ninkii Meesha Xukamayey Hooyadii
Haaruun Rashiid waxay aragtay Ummadii ka hor tagtay ninkaas, Qofka
Ummada oo Dhami ka hortagto muxuu ahaa iimaamadoodii Waa Caalamu
Qurafaa C/laahi Ibnu Mubaarig, waa Caalim weyn oo islaamka ka mid
ahaa Waa boqor Dhab ah haddii Boqor jori.
Shiikh Maxamed Maxamuud Diinta Sharafteeda Ayuu Cadaw Badan kula
Coloobeen, Walaalkeen Diinta ayeynu ku Ciseynaynaa Dadka Iimaankooda
soo kaxeeyey Islaanimo ayaa soo ka xaysay waanu ku farxayna sida
sidii Nabi Yacquub markii inankiisii ka soo baxay Jeelka, laakiin
waxaa weeye in lays Weydiiyo Maxamed Maxamuud Muxuu Ku Xidhnaa?
Su,aashaa Jawaabteeda laba wax ayey noqonaysaa inay inoo soo baxaan
1: Maxamed wuxuu ahaa ayaa inoo soo baxaysa oo nin baadil ku xidhnaa
noqdo oo sidii Mujrimiinta, iyo Tuugta loo xidhay noqon doonaa, Ama
wuxuu noqon doonaa Shiikh Maxamed Max'd isagoo Madluuma la xidhay
Qiimayntu waxay noqonaysaa wixii lagu xidhay, Arinta labaad Waa in
aynu ka faa,iidaysanaa Wadciga iyo Waqtiga aanu ku nool nahay ayeynu
garanaynaa Ilaahay baa Mahad leh.
Ka Dib Shiikh Aadan Axmed Caare waxaa khudbadii lagu soo dhoweeyey
Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur wuxuuna hadalkiisa ku Bilaabay ALLAHU
AKBAR ALLAAHU AKBAR Mudo Sanad iyo Siyaado ma hadlin, Xadhigaa la
iii khadaray Mid aniga iyo idinkaba Sharaf ii ah weeyaan Ilaahay
inagu ciseeye Wax dhib ah oo aan tirsanayaa ma jiraan Dadka Diinta
iyo Kitaabka Qaata la imtixaami doonaa, Imtixaankii Ilaahay waa nagu
Guuleeyey inta Baadil Nalagu Qabsaday oo Wax nalagu waayey ayaa
ilaahay na soo bari yeelay iyagoo leh ma sii Dayn karno, Dadka ayaa
kacaya, oo Waaka Baqaynaa, Maanta Waa Maalin Wacan oo Islaamku Meel
Walba ka Guuleystay inaguna waa in Islaamkeena Helno.
Maanta hadii ilaahay inala kulmiyey Diinta oo Guul leh dadka
islaamka ah oo baraarugay haddii ilaahay inala kulmiyey CID ALLAALE
CID DHIBAATO YEELAYNAA MA JIRTO.
Walaalayaal Rasuulkeenii Wixii Dhibaato soo maray, Asxaabtu soo
martay, inaga inama soo gaadhin walaalayaal rag baa mindiyo loogu
feedhay, jidhkoodii lagu googooyey, rag baa la aasay oo jidhkooda
miinshaar lagu kala gooyey, kuwo cuntada laga soomiyey sidaasay ku
dhinteen, kuwa bacad ayaa la jiiday sida BILAAL oo kale, anaga waxa
na soo gaadhay marka asxaabta loo eego walaalayaal waxaan soo marnay
waxay noqdeen mahad ilaahay. Ilaahay waa noo gar gaaray cid kasta oo
aanu u malayno cadaw nagu tahay gacanta nagu haysay Ilaahay
Beerkooda naxariis ayuu noo mariyey waxaanu la kulanay waxaan
xasuustaa maqaaladii IBNU TAYMIYA, IBNU QAYIM haddii lay xidho
Jeelka Qalo, hadii la eryana waxay ii noqonaysaa Shahaado, Anaga
Qalo ayuu noo noqday Raggii oo dhan Quraanka ayey Xifdiyeen 18 nin
baanu ahayn 8-9 Quraanka dhameeyeen, 7-8 Afar Jis baa u hadhsanaa
kutub tiro badan FIQI, TAWXIID, LUQAD LEH, USUULUFIQI, xifdiyeen
ilaahay u sahlay.
Walaalayaal Meesha aanu ku jirnay 2 Mitir ayey le,ekeyd 5 Nin ba
laba mitir bay ku jireen Dermada ayaanu 5 nin kuwada seexan jirnay
Meesha Sheelada loo yaqaano Maxaabiista lagu ciqaabi jirey ayey
ahayd waxay noo noqotay Albeerko Weyn Walaalayaal ilaahay iskuma
kaayo daro Qalbiga oo aan ka cidhiidhtoono iyo guriga oo aan ka
cidhiidhtoono farxad ayaanu ku noolayn, waxaanu weligeen arag oo
aanu u malaynayno midhihii janada ayaa ilaahay daaqadaha nooga soo
geliyey , Quruxda iyo wanaaga iga muuqata waad arkaysaan.
Ninkaygii Meelaha Dabaysha Caato Aawadeed imika Baruur ayaa la
dhaqaaqi kari la ahay, Walaaladayna sidaas ayey u sharaf badan
yihiin Ibnu Qayim wuxuu yidhi haddii og yihiin nimanka Boqorada ahi
Xadhiga Muslimiinta la xidhi iyagaa geli lahaa.
Walaalayaal intanba ima dhagaysan jirin Berigii aan Xaar Wada
fadhiisan jirey inta Hareeraha iga mari jirtey iyo sidii la ii xaman
jirey waad garanaysaan maanta xantii waa baabaday Ninbaa Islaantiisa
ku tiri Guuleed Xaajow Gurigaa Ba,a Dadkuba intaa waa lahaa WAXAANU
DHACNAY MA JIRAAN, WAXAANU DILNAY MA JIRAAN, Waxaa nalagu soo oogay
Qodobka 222 oo odhanay WAA DIL BAAHSAN , BURBURIN, IYO BAABI,IN.
Walaalayaal ilaahay Sharaf ha idiin yeelo sidaad ii soo dhoweyseen
ayuu hadalkii ku soo gabagabeeyey Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur.
Maanta Qabiil iskumaynaan iman ee Islaanimo ayeynu isugu nimid.
|