news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Maxkamadaha islaamka oo la wareegay deegaanka Salagle

Thursday,  December 14th, 2006

Baardheere – Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka Somalia oo wata gawaarida dagaalka ayaa saakay waabarigii la wareegay gacan ku heynta deegaanka Salagle oo ka tirsan gobolka J/dhexe.

Ciidamadan oo wata dhowr gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo kictameen degmada Saakow oo muddooyinkaan ay ku sugnaayeen mana jirin wax iska caabin ah oo lagala horyimid.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamadan oo maanta meel fagaaro ah kula hadlay boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay ayaa waxa ay amarro ku bixiyeen in ay mamnuuceen laga bilaabo maanta waxii la xiriira qaadka, sigaarka iyo tubaakada iyo dhamaan waxii maandooriye ah, iyadoo cidii lagu arkana ay muteysan doonto ciqaab adag.

Gudoomiyaha deegaanka Salagle Daa'uud Iidle Max'uud oo qadka teleefoonka ugu waramayay idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in ciidamada Maxkamadaha islaamka ay la wareegeen deegaanka Salagle, si weyna halkaasi loogu soo dhaweeyay, isla markaana waxii halkaasi ka dambeeyay ay ku shaqeyn doonaan awaamiirta maxkamadaha islaamka.

Daa'uud waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka ay ku yimaadeen deegaankaai rabitaanka shacabka oo doonaya in laga hirgaliyo deegaanka shareecada islaamka.

Deegaanka Salagle ayaa waxaa horey uga dhisnaa maamul ay soo magacaabeen dowladda KMG ah ee Somalia oo ka shaqeynayay halkaasi muddo ka badan sanad, ka dib markii wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia ay gaareen halkaasi.

Axmed Cumar Saalixi
Source: Shebelle Media Network

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.