news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Ciidamo kor u dhaafay 100 oo ku biiray kuwa Maxaakiimta

Friday,  December 15th, 2006

In ka badan 100 maleeshiyo oo ku hubaysan 6 ka mida gawaadhida dagaalka ayaa iskaga baxsaday gaala-raaca Baydhaba Xabashidu ku ilaaliso. Ciidamadan oo ahaa kuwo hore ugu daacad ahaa dagaal ooge Xaaraan-ku-naax ayaa markay baxsanayeen ay is rasaaseeyeen ciidamada Tigre-ga ah ee ku sugan duleedka Baydhaba kuwaasoo qasaare la gaadhsiiyey halka Maleeshiyadana uu uga dhintay hal ruux.

Maleeshiyadan oo la dhaqan celin doono ayaa ku soo fool leh magaalada Buulo mareer iyagoo ka soo wareegay dhanka waddada qabata degmada Diinsoor.

Boqollaal ka mid maleeshiyaadka uu duufsaday gaala-raaca Cabdullaahi Yuusuf iyo Dhoohane Geeddi ayaa dhawaanahanba ku soo biirayey xoogagga Maxaakiimta Islaamka ah iyagoo kuwo kale oo badanina ay jidka ku soo jiraan halka qaarkood ku sugan Baydhabana ayba rajaynayaan inay Tigree-ga iyo huwantiisa dhabarka ka toogtaan marka jihaadku ka qarxo goonyaha Baydhaba.
 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.