|
(BURCO):
Daadadkii dhawaanta jiidhay magaalada Burco ayaa bannaanka u soo
saaray 3 xabaal-wadareed oo ay ku jiraan qalfoofka boqollaal ruux oo
ay xasuuqeen dad ka soo jeeda Puntland, Soomaali Galbeed iyo
Koonfurta Sool.
Dadkan lafahooda la helay maaha dad hadda dhintay ee waa kuwa la
ogaa in lagu xasuuqay dagaalkii cidhibtirka ee 1981 -1990kii ka
socday Somaliland ee ay ku kacayeen dad hebel iyo hebel loo yaqaan
oo qaarkood maanta Somaliland mansabyo kala duwan ka hayaan. Waxa
xitaa la garanayaa dadkaas maalintii la xasuuqay, ciddii xasuuqday
iyo halka lagu xasuuqayba. Waa dad eheladoodii magacyo u lahaa
Eebbena u xisaabsan laakiin ay indhow-garatadu malaa maanta ku
baraarugtay.
Awel miyaan la odhan Shacabka Somaliland 1991 kii bay go'aansadeen
inay iska illaawaan boqollaalkii kun ee caruurta, cirroolaha, iyo
haweenkaba isugu jiray ee magac dawladeed loogu soo gabbaday sida
bahalnimada ah ee aan kala sooca lahayna rasaasta loola dhacay.
Maxaa keenay qaylada maanta! Ma naf baa lagu soo celinayaa mise
xiniinyo aan kuwii hore ahayn bay kuu siyaadinaysaa oo hiilkoodaad
doondooni. Hadday tan danbe dhab tahay, kugu qaadan mayso 5 daqiiqo
inaad hesho ciddii falkan geysatay deriskaaga inay yihiinna waaba
laga yaabaa.
Kama werwersani wixii iga dhintay oo 1991kii markii fal ii ekaa ayaa
anoon awood waayin aan aarsan-kari-waa is qoray, laakiin waxa taas
igaga daran in maanta dadkii dilkaas geystey oo magac dawladeed
sheeganayaa ay doonayaan inay intii hadhayna is raaciyeen iyadoo
jaahiliinta Somaliland caabuddaana ay dadka ku maaweeliyaan
Maxaakiim baa na laysay iyo way na qabsanayaan! Miyaynaan la mid
ahayn shabeelkii yidhi "Dhashaydii geel ma laynoo waan garanayaa
Giiraa (ri) laysay". Sidaa maanta tihiin Maxaakiimtu asxaanbayba
idiin samaynaysaa hadday intiinna hadhay badbaadiso oo diinta ku
xukumaan.
Dadkan si sharaf leh ha loo aaso waayo kuwii dilay ma dheera ee waa
u dhow yihiin oo weliba ku raaxaysanayaan calaacalkiinna. Haddaan
idin odhan lahaa Daahir Riyaale, Qaybe iyo ragga la midka ahina
aaskooda ha ka soo qayb galaan bal inay Sorry-na yidhaahdaan, waxan
ka baqayaa inay idin geeyaan halkii la geeyey Salaadiintiinii,
cuqaashiinii, waxgaradkiinii, halgamaagiinii, siyaasigiinii ee
maatada caanaha leh looga dhigay! Haddii cid baryo lagaga soo
saarayo xabsina waxaan dhinacyadu mudhxeen Suldaankii idiinku
qiimaha badnaa ee yidhi Allaah sharcigiisaan beeshayda u dooray.
Waayeel hadalkiisa summad buu ku dhigtaaye marna kuma aan talin in
shakhsi aan denbi lahayn la wax yeelleeyo balse wixii falkaas
waxshiga ah geystey in lagula xisaabtamo oo laga gudo ayaa
caqliga suubbani farayaa. |