news@caynaba.com Voice over Internet Protocol (VoIP),  

Somali News


Audio News
 

 
 



Warbixin sannadeedka Waxqabadka degmada Ceerigaabo

Sunday,  December 17th, 2006

Duqa magaalada Ceerigaabo, Ismail Xaaji Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxqabadka Degmada Ceerigaabo ee 2006 iyo ku-talogalkiisa waxqabad ee qorshe sannadeedka 2007-ka, iyo arrimo kaleba.

"Degmadan Ceerigaabo iyadoo miyi ah waxa laysugu yimid oo la aasaasay 1926-kii, waana degmada ugu weyn degmooyinka Somaliland iyadoo gobol ahaan Sanaag yahay 37.50% marka loo eego dalka intiisa kale, waana degmo taariikhi ah oo leh dhul bannaan oo beeraha kuhabboon, dhul-buureed faleenka iyo xabkaha kaleba ka baxaan, iyo badda oo kalluunka iyo khayraadka kaleba laga heli karo, dadka degmadan u dhashayna waa dad ilbax oo xaddaarad leh, mustaqbalkana waxan rajaynayaa in degmadan laysugu soo noqon doono" sidaas waxa yidhi Maayorka degmmada Ceerigaabo oo warbixin guud ka bixinayey degmadiisa.

Isagoo ka hadlayey waxqabadkii sannadka 2006 iyo kutalogalkiisa u qorshaysan sannadka 2007 wuxu yidhi "Waxqabadkayaga degmo ahaan ee sannadka 2006 oo ay ka mid ahaayeen a) gaadiid dhawr ah oo aannu u iibinney dawladda hoose, b) dhagaxii wadooyinka iyo suuqa dhexdiisa oo aannu jebinney, c) 17 aqal oo ganacsi oo aannu dawladda-hoose u dhisnay, d) godadka waaweyn ee xashiishka lagu shubo oo aannu qodnay, iyo e) beerta shirarka lagu qabto ee nuura oo aannu iyadana dhisnay, ayaa weliba himilada waxqabad ee noo qorshaysan sannadka soo socda ee 2007 annagoo taageero ka filayna dawladda iyo dadkayaga debedaha jiraba waxa ka mid ah in aannu dhisno a) deyr lagusoo wareejiyo xarunta dawladda-hoose iyo wakaaladda biyaha, b) masaajid aannu dawladda-hoose u dhisi doonno, c) guri martidu gasho, d) musqulo (public toilets)

e) Meelaha suuqyada magaalada qaarkood oo aannu laami dhigi doonno.

Dekedaha Gobolka Sanaag oo xidhan arrintaasna loo tirinayo cashuurta aad u qaaliga ah ee xukuumaddu u qoondaysay ayaa isagoo carrabka ku dhuftay maayorku wuxu yidhi "Inkastoo dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Gobolka Sanaag gaar ahaanna Degmada Ceerigaabo ay bulshadan faqrisiiyeen, welibana waddo la’aantu usii raacday oo qofka maanta Boosaaso ka degaa uu laamiga raacayo oo caawaba gaadhi karayo Harta-Sheekh, ayaannu haddana xukuumadda ka rajaynaynaa in cashuurta laga dhimo dekedaha oo hoos loo dhigo duruufaha jira dartood".

Dhinaca nabadgelyada mar uu ka hadlayeyna Maayorka Ceerigaabo wuxu yidhi "Dhacdooyinka ugu waaweyn ee sannadkan 2006 ee ahaa dilalka dhawr ah oo degmada ka dhacay waxay ahaayeen kuwo aan Aano ama Utun hore xidhiidh la lahayn, balse cashiimo iyo maqaaddiir darteed ayay ku dheceen, waana la xalliley marka laga reebo hal dil oo isagana aan filayo in uu iska dhammaan doono dhowaan, mana jirto wax nabadgelyo xumo oo waqtigan taagani, marka laga reebo khalad gef (farasaar) oo loo geystey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo aan iyadu weli meelna deign.".

Ceerigaabo oo kahadlayey caafimaadka xoolaha iyo dawooyinka ayaa yidhi " Iyadoo xooluhu yihiin laf-dhabrta nolosheenna, bulshadana aan ku boorrinayo in xoolo-dhaqashada lagu dedaalo ayaa haddana waxa jirta daawooyinka laynoo keenayaa ma aha kuwii loo baahnaa, waxadna mooddaa in laynagu tijaabinayo" isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas raaciyey "Xilligan waxa jirta xooluhu in ay bukaan, siiba geela oo uu helay cudur cusub oo si aan qiyaas lahayn u dhimanaya isagoo wadnuhu istaagayo, mana jiraan wax dhakhaatiir oo ilaa xilligan soo gaadhey, wasaaradda xannaanada xoolahana qaylo-dhaanta waannu gaadhsiinney, kamana jirto halkan meel xannaanada xoolaha loogu talo galay


Author: Sanaagweb 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal
Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.