|
Muqdisho: Midowga Maxkamadaha
Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucay cunista iyo ka ganacsiga
Qaadka ayadoo dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey la gubay shixnado
qaad ah taasoo ka cadhaysiisay Muqayiliintii quudan jirtey
maandooriyahan.
Shir Jaraa'id oo uu qabtay Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Midowga
Maxkamadaha islaamka, Sheekh Shariif Sh Axmed, waxa uu ku
aqriyay wareegto mamnuuceysa ka ganacsiga iyo isticmaalka qaadka,
taasi oo uu sheegay in golaha shuurada ay u soo gudbiyeen golaha
fulintuna ay sidaa ku aqbaleen.
Sheekh
Shariif ayaa sheegay in gaadhiga lagu qabto qaadka lagu ganaaxayo
lacag dhan 7 million oo Shilin, halka qofka isagoo cunaya lagu
qabtona lagu ganaaxayo 500 kun oo Shilin taas oo haddii uu bixin
waayo loogu beddelayo xabsi aan la cayimin.
Sheekhu wuxu halkaa ka sheegay waxyeellada qaadku ku hayo ummadda
Soomaaliyeed taasoo mid dhaqaalo iyo mid caafimaadba uuna ka mid
yahay maandooriyayaasha kale.
|