Muqdisho:
Guddoomiyaha Shuurada Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa saxaafadda u
sheegay inay dadaal ugu jiraan siday u soo celin lahaayeen dhulka
Soomaaliyeed ee ku maqan dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale soo
hadal qaaday warbixin ay Qaramada Midoobay sii deysay oo ku
eedeynaysay 11dal oo ay ka mid yihiin Siiriya, Masar, Sacuudiga iyo
Iiraan, oo sida la sheegay ku xadgudbay xayiraadda hubka ee la
saaray dalka Soomaaliya ayuu ka yidhi “Warkaas waa mid aan sal
iyo raad toona lahayn isla markaana lagu abuurayo xaaladdo cusub oo
ka qarxa gayiga Soomaaliya”.
Warkan sheekh Xasan Daahir ee ku aaddan NFD iyo Soomaali Galbeed
ayaa sii murginaya xaaladda ka taagan geeska Afrika. Sheekha oo isla
hadalkan sheegay 4 bilood ka hor ayaa u muuqday inuu waxyaabo badan
oo arrintani ka mid tahay ka soo debcay laakiin Sheekhu wuxuu
halkiisii ka sii miisay hadalladiisii aanu la gabban jirin taasoo
sii siyaadinaysa cabsidii ay dawladaha deriska ahi ka muujiyeen is
ballaadhinta Maxaakiimta.
|