  
|
 |
|
AU oo dewerinayo hanti
lagu fuliyo siyaasadooda Somalia. |
|
Wednesday,
November 22nd, 2006 |
|
|
Addis
Abeba: Midowga Afrika oo fulinaya danaha galbeedku ka leeyihiin
Somalia oo ay weliba hor boodayso Ethiopia ayaa ka dalbaday dowladda
Mareykanka lacago malaayiin dollar si howl-galo Militari looga
fuliyo gudaha dalka Somalia.
AU ayaa weydiistay dawladda Maraykanka lacag dhan 25 million oo lagu
bixiyo kharashka ciidamada ay damacsan yihiin inay geeyaan Somalia
oo ay si weyn u qaadacsan yihiin Midowga Maxaakiimta Islaamiga ahi.
Midowga Europe ayaa shalayto walaac ka muujiyey arrinta ka sii
daraysa ee Soomaaliya iyo lugta Maraykanku ku leeyihiin dhibaato
laga cabsi qabo inay mandaqadda saamayso. Midowga Europe ayaa ka
digay in Somalia la geeyo ciidamo aan laga wada raalli ahayn.
Dawladda Maraykanka oo isticmaalaysa keligii taliyayaasha bariga
Afrika kuwooda ugu caansan ayaa maalmahan danbeba wadday qorshe ay
doonayso in cunaqabataynta hubka looga qaado Somalia.
Arrinta Somalia ayaa lagu wadaa in dhowaan uu war ka soo saaro
Golaha Ammaanka oo eegaya suurto galnimada in la qaado xayiraada iyo
in la sii adkeeyo. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|