  
|
 |
|
News |
|
Bannaan bax balaadhan oo ka dhacay degmada Caabudwaaq |
|
Sunday,
November 26th, 2006 |
|
|
(Caabudwaaq):Boqollaal dad ah oo taageerayey Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa maanta isugu soo baxay fagaare ku yaal
degmada Caabudwaaq. Dadka ku nool magaaladaas ayaa ku dhawaaqayey
kelimado Tawxiid ah iyo dhawaaqyo looga soo jeedo handadaadda
cadawga Tigre-ga ah ee duullaanka ku ah geyiga Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidamada Midowga Maxaakiimta ee gobollada dhexe, Sheekh
Cali Bashiir Axmed CUmar iyo masuuliyiin kale oo dadkaas isu soo
baxay halkaa kula hadlay ayaa ku boorriyey inay cabsida iska saaraan
dalkooda difaaciisana heegan u ahaadaan. Sheekha oo hadalkiisa sii
wata ayaa sheegay in la diiwaan gelinayo maleeshiyada deegaanka si
ay uga qayb qaataan jihaadka lala gelayo cadawga. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|