news@caynaba.com   Where news comes first  


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



ARTICLE

Duullaanka Itoobiya maxaa laga yeelayaa!
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

Monday,  November 27th, 2006

Dagaal Itoobiya ay Soomaaliya ku qaaddaa waa dagaal lagu qaaday dareenka iyo damiirka diiniga ah ee dadka muslimiinta ah ee ku nool mandaqadda Geeska Afrika. Waxa kale oo duullaankaas lagu weeraray dareenka iyo garashada waddaniga ah ee dadka afsoomaaliga ku hadla ee ku dhaqan mandaqadda gobolka Geeska Afrika. Labada jeerba  waxa uu dagaalkaasi damqi doonaa gunaadyo ay boogo colaadeed ku gamaarsanayeen, waxana dusha ka milil dillaaci doona oo furta goosan kara godob, utin iyo guhaado duugoobey oo hore u dhex yaalley shucuubta masaakiinta ah ee mandaqadda ku wada nool. Waxa dhici doonta dirir faraha laga gubto oo khasaare ballaadhan ku soorta gobolka oo dhan.

Dagaal ay Itoobiya Soomaaliya ku qaaddaa waxa uu wax weyn ka beddeli karaa siyaasadda gobolka. Dagaalku dagaallo kale ayuu dhali karaa. Shucuub badan oo ku hoos jirta gacanta xukuumadda aan ku iman rabitaanka dadka Itoobiya ku nool intiisa badan ee Tigreegu hago, ayaa dhexda farta ka qaniinsan oo doonaysa si ay naqaska isaga saarto oo u neefsato. Qaarkood waxa ay doonayaan in ay dawladdaas ridaan oo dawlad dhaanta helaan, qaar kalena waxa ay doonayaan in ay ka baxaan dalweynaha Itoobiya oo samaystaan dal ay gaar u leeyihiin. Dagaalka Tigreegu la maaggan yahay Soomaliya waxa uu ka dhigan yahay “waran ay riddadiisu kugu soo noqon doonto lama gano”! Dhinaca kale waxa uu dagaalkaasi dhali karaa xoogag sidii “likaha” dhulka hoostiisa uga soo fuura oo gelbinaya aragtiyo lifaaqoodu hoosta ka xarriiqayo dareen diimeed iyo mid waddaniyeed oo xooggan, kaas oo isna wax ka beddeli kara haykalka dhismo qarameed iyo soohdimaha dhalanteedka ah ee gobolka ka jira.

Dadka qaar baa u haysta in duullaanka Itoobiya ku qumman yahay cid gaar ah, cid kalena nasteex u yahay. Ha yeeshee dagaalku wuxu khusayn doonaa cid kasta; gaar ahaan qof kasta oo soomaali ah. Saamayn weyn buu duullaankaasi ku yeelan doonaa meel kasta gobolka oo dhan, gaar ahaan dhulalka ay soomaalidu ka degto. Xidhiidhka inta afsoomaaliga ku hadasha iyo Itoobiya ka dhexeeyaa waa weyd (caato) bog keliya ka raran oo maqaarsaar ah si meel ku gaadh ah. Waa xidhiidh ay Itoobiya awrkeeda ku kacsato oo aanay dhinacyada kale ku caano maalin. Wuxuu ku salaysan yahay danaysi iyo qaradyo dhinac qudha ah. Sidaas darteed haddii ay Itoobiya guluf ku saarto Soomaaliya, waxa dhicisnimo ku saqiiri doona xidhiidhadaas maqaarsaarka ah.

Waa in Meles Zenawi shan goor dib uga fiirsadaa duullaankiisa, iskuna qanciyaa inuu baajiyo gulufkiisa macangegnimo ee ku waajahan Soomaaliya, haddiise ay dhacdo in Itoobiya ka dhabayso weerarkeeda oo noqon doona mid “tuur iyo tarbiicooyin” fool xun yeesha, anigu waxaan ka mid ahay inta badan ee ka safan doonta dagaalkaas. Duullaankaas baaddilka ah oo la biyo dhiijin waayaa waxa ay  dheg xumo weyn, gunnimo iyo meel-ka-dhac baalasha taariikhda ugu kaydin doontaa dhammaan dadka afsoomaaliga ku hadla, waxanay arrintaasi waddada u sahli doontaa damacii guunka ahaa ee Itoobiya ee hoosta ka xarriiqi jirey in ay Itoobiya wax ku yeelato marinnada biyaha ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

mohamedbashe@hotmail.com

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.