news@caynaba.com   Where news comes first  


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



Shariif sh. Axmed oo sheegayin dowladda mareykanka ay dooneyso in ay mar kale ciiidamadeeda dib ugu sooceliso gudaga dalka soomaaliya.

Monday,  November 27th, 2006

Guuddoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamada Islaamka Soomaaliyeed Sh. Shariif sh. Axmed oo Wareysi Siinayey BBC-da Laanteeda Afka Carabiga ku hadasha Ayaa sheegay in Dowladda Mareykana Ay dooneyso in ay markale ciidamadeeda soo galiso gudaha dalka soomaaliya taana ay cadaatay ka dib markii ay qaraar qabyo ah  u hordhigtay qaramada midoobay kaasoo ku baaqaya in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro gudaha dalka soomaaliya.  

Sh.shariif sh. Axmed Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ee Maxkamadaha iIslaamka Soomaaliyed Waxa uu tilmaamay in Mareykanku u Ololeynayo Sidii Ciidamadiisu ay  markale u soo gali lahaayeen ciidda soomaaliya isla markaana  waxa uu sheegay in ,mareykanku uu dooonayo in daNO Gaar ahaneed ka fushado cdalka soomaaliya.

Sh. Shariif ayaa sheegay in  “Ujeedada Guud ee Qaraarkan uu yahay in somaaliya la keeno ciidamo ka socda Gobolka, isla markaana mareykanku uu doonayo in uu helo wado uu u soo maro sidii uu ciidamadiisa u keeni lahaa dalka soomaaliya .

Sh. Shariif Guddoom iyaha Golaha Fulinta Ayaa Sheegay in aaney Jirin Sabab ciidamo shisheeye loo keeno soomaaliya mar haddii golaha maxaakimta islaamku dib u soo celiyeen amnigii iyo kala dambeyntii waxa uuna qorshaha mareykana uu wado uu ku tilmaamay mid uu danihiisagar ahaaneed kaga fushanayo dalka soomaaliya.

Qaraarka qabyada ah ee  Dowladda Mareykaka  hor dhigatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa waxa uun ogolaanaya in ciidamo wadamad igad ay la geeyo soomaaliya taasoo dhalin karta iska horimaadyo dhexmara shacabka soomaaliyeediyo ciidanka sida xoogga ah lagu keenayo soomaaliya.  

Source: Midowgamaxkamadaha.com
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.