news@caynaba.com   Where news comes first  


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



150 ciidan, 6 Tekniko ah oo 3 Taangiyo tahay oo ku biiray MMI

Monday,  November 27th, 2006

Caabudwaaq: Illaa 150 ka tirsan maleeshiyaadka degmada Caabuwaaq iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan 3 taangi ayaa ku soo biiray ciidamada maxkamadaha islaamka ee degmada caabudwaaq.

Sida uu Shabelle u sheegay C/xafiid Sacdi Jaamac oo ka mid ah Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka ee degmada caabudwaaq, maleeshiyadaan gaaraya 150 ka ruux kuna hubeysan qoryo nuucyadooda ay kala duwan yihiin ayaa waxaa loo furayaa dhowaan tababaro lagu ciidameynayo.

Waxa uu sheegay in ay gaareen ciidamada maxkamadaha islaamka tuulada Bangeelle oo koonfur kaga toosan magaalada caabudwaaq oo ay kula wareegeen si nabdoon 6 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay ku jiraan 3 taangi.

Waxa uu sheegay in ay jiraan gawaari kale oo dagaal oo u baxsaday dhinaca ismaamulka Somalida Ethiopia oo uu sheegay in uu jiro wada hadalo lagu soo celinayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka ay gaareen tuulada Qalaanqaleey oo u dhaxeysa tuulooyinka Bandiiradleey iyo Xeraale, halkaasi oo ay kula kulmeen dad badan oo soo dhaweeyay ku dhaqanka shareecada islaamka.

Waa markii ugu horeysay oo maxkamadaha islaamka ay la wareegaan gawaari dagaal tan iyo markii ay gaareen magaalada Caabudwaaq baratmihii bishaan.

Source: Shabelle.net
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.