  
|
 |
|
Marekanka
o qorshe lagu qaadayo xayiradda hubka u gudbiyey QM |
|
Tuesday,
November 28th, 2006 |
|
|
New York: Mareykanka ayaa waxaa la filayaa inuu maalinta beri ah soo
hordhigo Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay go'aan ay doonayaan in
ciidamo nabad ilaalin ah lagu geeyo si loo taageero dagaal-ooge
Cabdullaahi Yuusuf.
Qaraarka ay wadaan wadanka Mareykanku ayaa waxaa la damacsan yahay
in lagu "khafiifiyo" cunaqabatayntii hubka ee SOmalia saarnayd si
qiil loogu helo ciidamada Ethiopia ee 20% Somalia dhulkeeda haysta.
Qaraarkan la hordhigayo Qaramada Midoobay waxa wata Mareykanka iyo
Ingiriiska ayaa sii adkaynaya inaan Maxaakiimtu wax hub ah helin
iyagoo ka ilaalin doona dhanka badda iyo cirkaba.
Ururka lagu magacaabo International Crisis Group oo fadhigiisu yahay
wadanka Belgium ayaa shalay ka digay qatar ay leedahay in xayiraadda
hubka laga qaado wadanka Soomaliya oo ay ku sheegeen in sii huriyo
colaadaha ka aloosan wadanka Soomaliya isla markaana aan la geyn
ciidamo nabad ilaalin lagu sheegayo oo aanay ka raalli ahayn labada
dhinac.
Maxaakiimta ayaa dhinacooda ka canbaareeyey qaraarkaas oo siday
sheegeen uu Maraykanku ku doonayo inuu ciidamadiisii 1993 laga
adkaaday dib ugu soo celiyo Somalia. |
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
|