news@caynaba.com   Where news comes first  


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



Sh Xasan Daahir oo baaq u jeediyey dawladda Maraykanka

Wednesday,  November 29th, 2006

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Ee Maxkamadaha islaamka sh. Xasan daahir aweys oo wareysi siinayey wargeyska sharqul awsad ee ka soo baxa dalka ingiriiska ayaa ugu baaqay madaxeynaha dalka mareykana George W. Bush in uu ka laabto qorsha uu wado ee ku aadan in uu qaado cunaqabateyna hubka ee saaran dalka sooomaaliya.

Guuddoomiye sh. Xasan daahir aweys ayaa sheegay in  dowladda mareykanku   ay ku Fashilmay  Howl-galkii rajo soo celinta soomaaliya 1993-dii ay  haddana mar labaad  doonayso inay Dagaal sokeeye ka abaabusho dalka soomaaliya iyadoo gadaal ka riixaysa ama u adeegsana  saaxiibka ay  ku leedahay geeska afrika ee itoobiya.

Sheekh xasan daahir Aweys waxa uu sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu Marin habaabiyo aragtida caalamka Eek u Aadan Dalka Soomaaliya,  isagoo  tilmaamay in bush uu damacsan yahay in uu dhameystiro qorshihii qabyada ahaa ee uuuu aabihii kaga tagay dalka soomaaliya sanaddii 1993-dii ee lagu doonayey in shacbiga soomaaliyeed loogu gacan galiyo  dowladda mareykanka.

Sh. Xasan Daahir Aweys  ayaa sidoo kale waxa uu  ugu baaqay beesha Caalamka iyo golaha amaanka Ee qaramada midooobay inaanay qaadin xayiraadda hubka Ee saaran dalka soomaaliya waxa uuna ka digay dhibaatada ka dhalan karta haddi ciidamo shisheeye la keeno ciidda dalka soomaaliya.

Guddoomiya golaha shuurada Sheekh xasan Daahir Aweys waxa uu dhaleeceeyey qorshaha ay wadaan wadamada mareykanka iyo Itoobiya kaas oo uu shiikhu shegay in uu yahay mid sheydaan isagoo intaa raaciyey in dowladdahaasi oo cadow ku ah jiritaanka dalka soomaaliya ay haataan wadaan abaabul  lagu dadajinayo dagaal ka dhaca dalka sooomaliya islamarkkan sameeyn weyn ku yeesha geeska Afrik

Guddoomiyaha golaha shuurada maxaakiimta Islaamka Soomaaliyed Ayaa Waxa Uu xusay in  Golaha Maxaakiimtu  Aaney Raali ka Noqon Doonin in ciidamo shisheeye la keeno Gudaha  Dalka soomaaliya isagoo tilmaamay in ay la gali doonaan jihad marka ugu hareeysa ee ay caga soo dhigan ciidda  soomaaliya..

Hadalka sh. Xasan  Daahir Aweys ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay wadamada  ku bohoobay La Dagaalanka Islaamka  Ee uu mareykanku hormuudka U Yahay ay Galabta ka Shirayaan Arrimaha dalka Soomaaliya Gaar Ahaan Cunaqabateynta Hubka Ee saaran Dalka Soomaaliya.

Source: http://www.midowgamaxkamadaha.com/

 

Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.