Gabaygan (maskax
godol)
waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) 21.11.06
waxa uu kaga jawaabayaa gabayga uu uu tiriyay Mubaarik Maxamed
Nuur (Qoorubaxay) ee HA MALAYN isaga oo ku faahfaahinaya sida uu
jacaylkiisii u maaxdumay kolkuu gebe-gebada ahaa waana kan
gabaygii:-
Gabay muuqda maanso
laysu diro, arar la maanshiilo
Adaa mariyay hawraar murti leh, midhiyo geeraare
Maskax godolka maahmaahda culus, ereyo miisaaman
Minka faalka malluugaa cirka, maam u kala sheega
Igu celisay maamuuska gabay, muhindiskiisiiye
Waa madal ku haasaawin iyo, miin tusaale lehe
Bal aan mooradiisii aftaxo, iga maqnaan waaye
Milgo caashaqeedii markuu, marayay meel gaaban
Markii uu magool iyo caleen, ubixi noo muuqday
Markuu madaxa keenaye matacay, midhaha laalaadshay
Markuu malabka hoobaanta yimi, muudsashada gaadhay
Markuu meher malxiis iyo wejahay, guri la muuneeyo
Markii uu magaabaye sidii, madi u soo reemay
Markii ay muraaqada darteed, maaha odhan wayday
Muxubada markii aan ka daray, la ina maansheeyay
Markuu marayay mullaax ila miskeed, waayihiyo maandhe
Markaan idhi maantuu dhalaye, geela wada maala
Ayaa lala muquuroo cirkay, muna u qaadeene
Amaan iyo haddii ay jeclayd, ereyo maan raac leh
Adaa ii markhaatiya inaan, meel kastaw daraye
Markii aan macaaneeyay ee, marada shaal saaray
Markaan mawjadii hore tixdii, muxubbo heellooday
Karkii ay maraykaan tagtiyo, madasha ay jooogto
Imay odhan jacayl baa I mira, waan mulaaqnahaye
Imay odhan meher baygu dhacay, maanta lay bixiye
Imay odhan maguuraan kalgacal, baa I mayraca e
Imay odhan qadhaadh baan ku marin, mur iyo daybaaqe
Imay odhan macaan baan sidaa, malab iyo hoobaane
Imay odhan mid baan kula jiraa, sheeko maan galae
Imay odhan muxubbaan sidaa, ubax iyo maammuuse
Imay odhan Maxamedoow ka samir, madhayay xiisiiye
Imay odhan marxaba iyo I maya, midiba waa daw e
Aniguna taladaa murkucan, baan la miiganaye
Midabkeedi laabtuu mirtaa, iga maqnaan waaye
Sidii dheeh la mariyuu qalbiga, magane jiifaaye
Maararoowga heesta iyo midhaha, wayska mariyaaye
Adiga oon madadaalo gabay, iguba maaweelin
Mubaarigoow talaan kaa martiyee, maanta iga caawim.
Dhamaad.
Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)
Hindiya
Haldeeq1@hotmail.