news@caynaba.com    


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



POETRY

MADAX DAAR
By: Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

WAA SILSILAD SUUGAAMEED UU BILAABAY MAX'D AW CALI CARTAN

1.Cartan 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5.Cartan
6.Mubarak 7. Sagal 8.Cartan 9.Mubaarak 10. Cartan
         

Gabaygan madax daar waxa curiyay  Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) 23.11.06 waxa uu gabaygani jawaab u yahay gabaygii uu tiriyay  Mubaarig Maxamed Nuur ee (KALA MIYO) waxa kale oo uu la dardaarmayaa  labada gabdhood ee ku soo biiray gabayada silsilada ah ee Sagal Cali iyo Fahma Cali waana kan:-

 

Midho culus haasaawe mudan, gabayo miisaaman

Hawraar miiran masaal lagu kaftamo, ereyo meeqaaman

Mubaarigoow murtidaad dhistaye, igu masaafaysay

Midhii helay murtidii adkayd, muhindiskaagiiye

Kala miyo markaan dhuuxay iyo arartii aad moostay

Macnaheedii waan wada heliyo moholintaadiiye

 

Muduci iyo maddaacalay amuur, laysku mari waayay

Markhaataa la doonaa intaan, loo go`aan mudine

Talo murugtay weeyee haddaan, madasha soo tuuro

Qofkastoo maleeyiyo haddaan, madaxda gaadhsiiyo

Maanso yahanka joogiyo haddaan, odayadoow meersho

mid kastoo wax moorayn karoow, maqal dabuubtayda

 

Inantii muraayad iyo hillaac, lagu masaalaayey

Inantii miliilica jacayl, maanku iga raacay

Maamuuska inantii lahayd, amase meehaaha

Inantaan magaaliyo miyiba, uga dhax maansooday

 

Inantaan mubaarigoow inbadan, madal ku haasoownay

Manfaca iyo inantaan darteed, oonta uga maarmay

Muxubada inantaan ogaa, muunadiyo nuurka

Masanuunin teediyo sidoow, heli lahayn maanta

Bay su`aashu maraysiyo sidee, baw mutuhinaaye

 

Mar hay odhan mid kale tii ku door, meelna hay dumine

Mar hay odhan milgo luul ka samir, tiiyoon mawd diline

Mar hay odhan mareeg kale u dool, qabo maraykaane

Mar hay odhan masuug haysku ridin, amase maadayse

 

Qof hadduu malaariyo la dhaco, meeli belelayso

Kala miyo ma fiicnee dawaa, lagu muquun shaaye

Kala miyo mar hay odhan, talaan kaa miciin sadaye

Murka caashaq macaan iyo qadhaadh, la isku maansheeyo

Mudanaha yaqaanaa judhuu, marin u jeexaaye

Waar malaa waxay madadaalin raba, ruuxaan soo marin

 

Gabayadii macaanaa kolkaan, milicsadee dheehday

Tii mubaarig murti bay ahayd, maayad qara wayne

Sagal marisay meeris iyo haggoog, mug iyo hawraare

Fahma mawjadeedii qalbiga, miridh ku saameeye

Madax daarka sheekada anaa, hawl I mariseene

Masalooyin kiiniyo tixuhu, way mudmudayaane

Halkii mililku jiifay damqeen, arartii maaxnayde

 

Idinkoo malayn iyo tashiga, illa miskeedaaya

Idinkoon I madadaalinayn, iguna maagaynin

Idinkoon I maaweelinayn, igana maadaysan

Idinkoon jacaylkayga mudan, iga madiidaynin

Idinkoon I maradhaaminayn, mudanta suugaanta

Idinkoon  isuna muuqanayn, isuna maahmaahin

Marxal  iyo xal baan goobayaa, manta ii seda e

Sidii aan u maarayn lahayn igala maansooda.

 

Dhammaad.

 

Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

Hindiya

Haldeeq1@hotmail.com

 
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.