Gabaygan la yidhaahdo (MULLAAX) waxa curiyay abwaan
Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) 24/11/06 waxana uu ugu jawaabayaa
gabayada ay soo tiyiyeen Mubaarak Maxamed Nuur iyo Sagal Cali
dhinaca kalena wax dareen siinaya Fahmo Cali, iasaga oo sadexdaba u
faaffaahinaya sida uu ugu heellan inay wax kala qabtaan caashaqiisa
dibboodka ah waxa uu yidhi:-
Murti dhigan maansooyin gabay, araro soo maaxda
Waxaad mariseen
hawraar mugliyo, qaar magayna ahe
Mubaarig iyo
midhii Sagal kolkaan, Fahamo miisaamay
Maahmaaho culus
baad dhigteen, tixiyo maadayse
Meeshii I
habaysaad muddeen, mililku daaraaye
Muxubada hadduun
baan ka daray, muhasho laysaarye
Halkay miratay
xididkay martaa, maaxay xanaftiiye
Madaxayga
beerkiyo muc dii, bay mussuusuqaye
Miciyaha boggii
heen wadnuhu, way matakhayaaye
Madi naasleh
matuuxada dhashay, mudanta geelayga
Anuguna mullaax
baan godlaye, madhiya weelkeeda
Afartaa
magguuraan kalgacal, muhindiskeedii dheh
Murtidii hufnayd
iyo tixii, muxubo heellood dheh
Miilo loo kaftamo
iyo xariir, goliyo maahmaah dheh
Suugaan mug wayn
iyo xaraar, aan la soo marin dheh
Mawjadaa
badwayntiyo cirkoo, mayayay waagii dheh
Midhii layga
sugayiyo abwaan, riday mahiigaan dheh
Cayn oo
maaxanaysiyo mataan, aan la madhinayn dheh
Hindisii Mubaarig
iyo Fahma, Sagal ku maamuus dheh
Dadwaynaha
maqlaayiyo bulshada, midho ku sooryayn dheh
Gabay dunida
maansheeya iyo, maqashin waayeel dheh
Muraad sheegad
kaygiyo cishqiga, meel u dayidii dheh
Mullaaxoon
godlaayiyo tixaan, maag ka imanayn dheh
Midho kalena waan
soo wadaa, mar ila haaneeda
Cirkoo maaxday
bari dhool ka mudhay, sagal mirtii hooray
Mayay bururay
waqal lagu dhex milay, heego midabaysay
Miiraale reemay
iyo hillaac, walalacdii muuqday
Mahiigaan
onkodiyo daruur, dhibicdu maansaysay
Cawaalaha ku
miishmiishtiyo, fadad ku meexantay
Dirirkoo
maggaabay iyo gu`goo, dunida maansheeyey
Dhulka
muunadiisiyo indhaha, milicsi raacraaca
Barwaaqada la
maaliyo dadkoo, mahad Illaah sheegtay
Midhaa kaynta
marooriyo callaan, ubax mankays jiidhay
Madal rays leh
dharab mayl ka hira, daadka maray jeexa
Yabaq madaw
geediyo magool, midab kun nooc sheegtay
Baliga iyo
moqorada xareed, meelkastaaba buuxshay
Maalka dararay
mullaax oo dhashoo, maqasha riixaysa
Mudo nabada
bariisada macaan, maal barqamintooda
Maalmo sheegan
bulshadoo martida, madi ku sooraysa
Mawliidka iyo
wadaadkoo digriga, mariya tawxiidka
Mirta dhexe
barbaartoo wiglada, tumaysa miisaanka
Sacabkiyo
mashxaradoo la miray, min iyo waa ooga
Sidoodaa
muraaqiyo xabbiib, laygu maray wayne
Ana maanta
jacaylkay mutiyo, muxubaday qaaday
Milgo iyo
xassuustuba aniga, way makalayaane
Caashaqeeda
maaxdiyo kalgacal, waa I mayracaye
Hayeeshee
wanaagiis ma mudan, waa I maanacaye
Intaan minanka
joognaye dhukii, wada mushaaxaynay
Intii aan
maqaamkiyo dalkii, wada masloonaynay
Inaan meher ku
taagiyo inaan, madasha geel dhoobo
Inaan midigta
saaray ahayd, kuna maduuraaye
Midh I seegay
weeyiyo midaan, mooganaan jiraye
Maan lahayn meel
kaluu cishqigu, shiikhoow kaamariye
Maan lahayn miig
baa u iman, raacaysaa muniye
Maan lahayn is
waa baydin maqan, maalin kala guure
Maan lahayn
maqiiqaydin heli, maydal aan nixine
Maan lahayn
iblays baydin mari, magane shaydaane
Maan lahayn
masaalkii Xaawiyo, Aadan baad mudane
Maan lahayn
mashriiq iyo maqriib, baydin mayracane
Hayeeshee
maxfuudkaa qoraal, mawlaheen dhigaye
Haddii aad wax
maarayn kartaan, hay masuugina
Afartaa
magguuraan kalgacal, muhindiskeedii dheh
Murtidii hufnayd
iyo tixii, muxubo heellood dheh
Miilo loo kaftamo
iyo xariir, goliyo maahmaah dheh
Suugaan mug wayn
iyo xaraar, aan la soo marin dheh
Mawjadaa
badwayntiyo cirkoo, mayayay waagii dheh
Midhii layga
sugayiyo abwaan, riday mahiigaan dheh
Cayn oo
maaxanaysiyo mataan, aan la madhinayn dheh
Hindisii Mubaarig
iyo Fahma, Sagal ku maamuus dheh
Dadwaynaha
maqlaayiyo bulshada, midho ku sooryayn dheh
Gabay dunida
maansheeya iyo, maqashin waayeel dheh
Muraad sheegad
kaygiyo cishqiga, meel u dayidii dheh
Mullaaxoon
godlaayiyo tixaan, maag ka imanayn dheh
Midho kalena waan
soo wadaa, mar ila haaneeda
Maqaaladii
daboolaa runtaan, idin muhiimsiine
Inantaan mudo aan
yarayn, caashaq wada maalay
Inantaan
miliilica ku idhi, way mulkiday ruuxda
Inantaan mirtii
dhexe hurdada, midigta haabhaabtay
Inantaan
malaysiga ku kacay, muna arooskeeda
Mar mar qaar
inantaan riyada, kula mushaarooday
Inantaan midh
laylkii dhadhabay, una milgooy yeedhay
Maskaxdiyo dareen
kaba yartii, miratay laabtayda
Inatii I
maanshaysay ee, maanku daba rooray
Maalin keliya
yartaan may I odhan, meela igu diidin
Maalin keliya
inantaan maqnaan, balana moogaanin
Maalin keliya
muran iyo jikaar, taan I maqashiini
Maalin keliya
been iyo mukuris, igula soo meerin
Qaabilaada mudan
iyo yartii, garasho maamuuska
Musalsalinta
sheekada yartaan, wada mushaashoonay
Marxabaynta
inantii lahayd, ama macaanaynta
Marka aan mulaaq
nahay markaan, milic ku soo daalo
Marka aan
murkucanahay markuu, murugyay xaalkaygu
Waxa iga
maroorsamay yartii, mayl ka garanaysay
Maan dheeri
qaaliya yartii, Rabi ku maan sheeyay
Marna kama
maqnaatoo qalbiga, waa ku shay mudane
Ma hilmaami
karayoo naftani, way u muhataaye
Meded
ereyadeedaan ruxmaa, marar xassuustaaye
Marba waxan
muraaqoonayaa, midab san keediiye
Iyadoon iga
maarmin oo, meher waydaarin
Ama mawdka
geeridu makalin, iilna lagu moosin
Wax inaan
mulaashiyo inaan, meelo kale jiidho
Maaha inaan
maqiiqmoo degdego, jeexo buur madawe
Ma muctaadi
karayoo axdigu, waa midh qarawayne
Tol macaan iyo
haddii aad tihiin, loo masalo sheegte
Magayniyo haddii
aad tihiin, magan xigaal soora
Sahan maqan iyo
haddii aad tihiin, mudan la saadaasho
Idinkoon
maddiidana ku xidhin, amanse maandoorin
Mahuraan haddii
aad tihiin, wax ila maareeya
Ama miig u raacoo
ku taga, madasha ay joogto
Ama Maanasooto
iyo reerahaa, degan maraykaanka
Ama maanta
wararkawga dhaca, ama u maansooda
Ama muna
waraaqaha u dira, maylka ugu tuura
Ama maalka joogiyo
hantida, mariya geeleena
Ama madaxda
reedkood u taga, marada shaal saara
Ama mudane weeyee
aabeheed, Maxamed doondoona
Ama laba
masaalixa u dira, amaw macaaneeya
Marbay tidhi
dawaan kuu macnayn, maansadii hore e
Ama Sagal u
muuneeya oo, miiga lala saara
Ama magane
Fahmiyo dar kale, maalin wada noolya
Ama maya ha
keeneen, ama midkood haaye
Ama maandhe
Mubaarigoow u dhoof, tigidhna meelayso
Ama anaa u
muudiye wadada, midigta ii saara
U maleegta
hawshaydu waa, mur iyo daybaaqe
Maalmaan idin
dhawrayaa, talo miduun keena.
Dhammaad.
Maxamed Aw Cali
Cartan (Haldeeq)
Hindiya
Haldeeq1@hotmail.com