Gabaygan la yidhaahdo (MAR AAN
HUBINO) waxa curiyay abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)
26.11.06 waxa uu gabaygan kaga jawaabayaa gabaygii Mubaakig
Maxamed Nuur (Qoorubaxay) ee SAMIRKA MUUNAYSO waxa kale oo uu
tusaalaynaya hal abuurada Sagal Cali iyo Fahmo Cali, waxa uu gabagu
mar sadexaad Sagal Cali dareen siinayaa inay xogogaal ka tahay
meesha uu jacaylkiisu maanta ku sugan yahay, isaga oo ka waramaya
sida aanu maanta uga samri karin caashaqiisiina waxa uu yidhi:-
Gabay muuqda arar loo mindayo,
tuducyo miisaaman
Midho oday meeris iyo shareer, loo mir kaco laylka
Maahmaaho guuniyo tixaa, mahadho hawraar leh
Maanso shaacir suugaan milgo leh, ereyo maamuusan
Mar haddaan Mubaarigoow sidii, mayay u soo hoorsho
Madal biya dhigiisay nafluhu, maaxda dhurayaane
Maguuraanka gabay waadigii, riday madaafiice
Gololadii malaasnayd xalay, miratay laabtiiye
Mawjadaa dhaqaaqiyo waxaan, maanka lagu hayne
Midh halhaysa maantayga gunud, aan mataan dhuro e
Midhii aad ku luuqaysay iyo tixdii, samirka muunayso
Ma maanicin manaan diidin talo, muranku waa ceebe
Hayeeshee jawaab maydhataan, miiska kuu dhigiye
Mar aan hubino haddii meher ku dhacay, waa mataan lumaye
Mar aan hubino haddii cadaw makalay, waa kabaal maqane
Mar aan hubino haddii mawd deldelay, waa habeen madawe
Mar aan hubino masayr inuu ku dhacay, mala awaalkiisu
Mar aan hubino hadday maya tidhaa, waa musbaar jabaye
Mar aan hubino musalsalin nin kale, inay la muusooto
Mar aan hubino inay meel cid laa, keligeed muudayso
Mar aan hubino makeekiga haween, inuu ku soo maaxday
Mar aan hubino raacdada milgo, maanta aan diro e
Mar aan hubino magaynada haween, inay maleegtaane
Mar aan hubino midh kay soo ceshaan, baan ku meel mariye
Mar aan hubino sahan reer u maqan, maalmo loo samirye
Mar aan hubino degdeg yuu makalin, caashaqii muna e
Mar aan hubino milic yuu na rarin, madax fudayd kiiye
Mar aan hubino marmarsiinyo kale, yay hadhaw muhane
Mar aan hubino mullaax inaanay arag, ooy I moog tahaye
Mar aan hubino waa intoonay maqal, muxubo heelloode
Mar aan hubino inuu caashaq milay, ooy mariil tahaye
Mar aan hubino jacayl inuu mudmuday, kay maroo kale e
Mar aan hubino madluun inay la tahay, muhashadaydiiye
Mar aan hubino inay maagan tahay, maar bushaaro ahe
Mar aan hubino macaan inay wado, ubaxyo maamuuse
Mar aan hubino maqbuul inay ku tahay, mahad Illaahaye
Mar aan hubino maqaal inaan ka helo, wararka maandhoowe
Mar aan hubino magool inuu la tegay, ooy mashquul tahaye
Mar aan hubino masaafuris dhulkii, inuu ku miineeyay
Mar aan hubino magaaladii Burco, inay mushaaxayso
Mar aan hubino Yaman inay martoo, madax fur loo sheegtay
Mar aan hubino maxbuus inay ku tahay, oo la moog yahaye
Mar aan hubino murwaad inay bes tahay, oo xannuun maraye
Mar aan hubino waxba yay mukurin, sheeko mawjada e
Mar aan hubino marlay dumar ogaal, waa midaa qudha e
Mar aan hubino maqaalada Fahmi, way mudmudayaane
Mar aan hubno milgo inay og tahay, meesha loo maro e
Mar aan hubino mahuraan wax jecel, yaanay maanicine
Mar aan hubino tuhun baa I maray, labadii maalmoode
Mar aan hubino midhii waan aftaxay, arartii maan qaade
Mar aan hubino maraykani iyaa, joogta madashiiye
Mar aan hubino malaha way taqaan, Sagal midaydiiye
Mar aan hubino Sagal waw muuqataa, yay maraan marine
Mar aan hubino anba laygu maag, la ina maahmaahye
Mar aan hubino taxdii miiq haddeer, maanku soo gocaye
Mar aan hubino maansadii fiday, xoortay maraqiiye
Mar aan hubino murti laga dhergiyo, muhanay hawraare
Mar aan hubino gabayadii la mood, maayad dhool da`aye
Mar aan hubino muxubadii la arag, caashaqay miraye
Mar aan hubino mubaarigoow tixii, marisay taadiiye
Mar aan hubino mafsuud baan ka ahay, muhindiskaagiiye
Mar aan hubino masaal ila midoo, soo maraad tahaye
Mar aan hubino qadhiidhaba ninkii, maray ku soo daalye
Mar aan hubino miriyaynu kori, buur martabad dheere
Mar aan hubino xaraar waynu mudhi, wagar masaal keede
Mar aan hubino maalin kuma jireen, mooska xalan wayne
Mar aan hubino moholaa xargaga, waw mintamilayne
Mar aan hubino mijaa gacan libaax, kalama maagneeye
Mar aan hubino tabca uma mineen, muruqa feedhaaye
Mar aan hubino gahooy daba martana, kama masuugneene
Mar aan hubino muraad adag nin lihi, meelkastaba jiidhye
Mar aan hubino madaxa uma tudhneen, milic kaliileede
Mar aan hubino hadday maal tagto, waa midoow fudude
Mar aan hubino wixii meesi dhaqan, maahirtiyo geela
Mar aan hubino waxaynu marin lahayn, mood cajaayiba e
Mar aan hubino abwaan kuu martiya, dayro haw marine
Mar aan hubino taladu waa mindi iyo, mudac afkiisiiye
Mar aan hubino haddaynaan mudmudin, way merganaysaaye
Mar aan hubino haddaan loo min dayin, way murkucantaaye
Mar aan hubino qayb iyo wax maqan, yaynaan maakubine
Waxba yaanan gabaygiyo murtida, wada mataanayne
Waxba yaanan maansooyin culus, miirin araraaye
Waxba yaan ku madadaalinoo, meeris siiwadine
Waxan samirka muunayn lahaa, mawd hadduu dilaye
Waxan samirka muunayn lahaa, may hadday tidhiye
Haddii calafku meel kale ugalo, uma muctaadeene
Manay dhiman meher laguma xidhin, maya kamaan hayne
Mar haddaanan sadexdaa masalo, midina ii oolin
Samir waxan ku moodmoodo iyo, waxan ku meeraysto
Nafta waxan ku maradhaamiyiyo, muuqan waa gama`e
Masaal lagu qancaa baan rabaa, magane ii soo dir