|
Anigoo ah Fahmo Cali waxaan gabaygan kula hadlayaa inantaa raga soo
dhex gashay ee ka duwaysa , gabaygii miimka aha ee ay wateeen waano
ahaana waxaan u leeyahay, gabaygan la yidhaaho:- Dumadaada
weeyaan wixii dakhar ku gaadhaa.
Adoon dawgaa maansada aqoon Gabay dabuubtiisa
Inayahay Durbankad tuntiyo daramalkaa yeedhay
Digdigtiyo qab qabahaan ka naxay diririgtaadiiye
Niman daacadnimo wada hadloo talo ka doodaaya
Waxaa adiga kugu soo dhex daray wayga maan dedane
Allaylehe danbaab baad gashee Marada sii dayso,
Allaaabtaa dubaar taala iyo salabkan doobyaaya
Wixii daano iyo Ceeb hadhow dakhar ku soo gaadha
Dumadaada weeyaan adaa doontayoo galaye,
Dumarnimada aan wada nahaa diirku ii naxaye
Arinkaagu wuxu daaran yahay fahanay Deeqaaye
Duxna ma leh danina waa ku jiray dala’sigaagiiye
Labadooda kaad damacsan tahay daacad ugu sheego
Dad allena ileyn way arkeed dar isku qaadkaase
Miimkay ka daareena waa ka duday maansadiye
Murtiday dubaaxsheen anagu doogsi baa nahaye
Damqashada ku haysaa jacayl doogti weeyaane
Labadooda kaad damacsan tahay daacad ugu sheegi,
Alla daayinaan kuu baryee bixiya deeqaaye
Duco iyo wanaag hale ragaa adigu maad daysid
Hadad waanada diido ood dib isu soo qaado
Oo danqaabada wadoo ararta dayn Waydo
Damiin soo kaxaysiyo cidaan xaal hadhoow doonin.
Dhamaad.
Fahmo Cali
UK
fahmacali@yahoo.com |