news@caynaba.com    
Top Sites


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

Suugaan
Hoyga Suugaanta
Aftahan
Farshaxan

Somaliland Links

Sanaag Web
Somalilandorg
Radio Somaliland
Hadhwanaag News
Somalilandtoday
Halgan News
Qarannews
Sooyaal News
Togdheer News
Somalilandnet
Somalilandfuture
Somalilandcenter
Somaliland Law
Iftin News
Golis News
Haatuf
Somalilandtalk
TV S/land Europe
Hargeysa News
Reddsea-Online
Waridaad
Garadag Online
Ceel-Afweyn
Tuuruus

SOPRI
Togdheer Sports
Somaliland Ed


Somali Links

Maxkamadaha
Wadanka News
Hornafrik News
Waaga Cusub
Shabelle.net
D a l k a

 
 

Silsilad Suugaameed
Gufaaco - M X Cabdulle
Gubtahanyo -M C Haldeeq

MUDUCIGA KALGACAL
By: Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay"
1.Cartan 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5.Cartan 6.Mubarak

Tix gabaya oo kooban waxaana tiriyey Mubaarak Mohamed Nur (qoorubaxay).

Tixdan gabayga ah oo tusaalayn u ah tixdaa uu soo tiriyey Maxamed aw cali Cartan- Hal deeq. Ee Muxubo heelood ,waxaan curiyey hadeer markaan akhriyey tixdiisaa waxayna ila noqotay Inaan Wax ka idhaaho, waxay soo baxday 18/11/2006.

Murti gabayle suugaanta mudan muhindis qiimaynle
Meeqaamka geerarka liyo arar la maansoodo
Inkastoon beryanah kana maqnaa kana mashquulaayey
Tixdaa caawa aad Meerisaa daartay mililkiiye
Maahmaahdu waa sheekadaad kicisay maashaaye.

Haday Maad u haysteen cishqiga amase maaweelo
Dar horuu makalay baan arlada madhax ka oolayne
Cilmi baa masaalka ugu yaaal caashaq Melegiiye
Hadraawiba wuxuu Inan milgale tix ugu maansooday
Alleylehe markhaataad ka tahay muran la˘aaneede

Ninba miiladuu maalinbuu dacar magaabshaaye
Anigaygan maalmahan tashigu waygu moosnaaye
Sida uu jacayl ii dhex maray Waan mulaaqnahaye
Maankiyo qalbiga way ku taal maxamed deeqoowe
Yaasmiin sidii laygu maray Meeluun bay Maqane

Anigaba sidii laygu muday waw maraysnahaye
Quruxdeeda mawluhu ku simay ama ku miisaamay
Hadaan midhadh tilmaan ula kacoo anigu muuneeyo
Anigoon macaashsiin haween ways mukuriyaane

Meel aan ku diidanan arag inanta muusoowe
Maalin iyo habeenkii ma ledo muxubadeediiye
Waa midaan masaalkeed la arag Maqala sheegayne
Milge dumar haduu qurux Lahaa taydu magac dheere

Dibneheeda madow iyo ilkaha Muunka ka cadaatay
Hadii aad mataanaha indhaha milicsigood eegto
Miisaanka camankiyo sankaa mawle ugu deeqay
Timaheeda madaxiyo garbaha wada mushaaxaaya
Ee meelku dhererkii Miskaha mayraca u dhaafay

Luqunteed maariin casaan midabka loo siiyaay
Dhexda aan mid kale eebbe siin madag sideediya
Kubabkeeda mayraca indhaha loola muhanaayo
Muuqaal hanaankay maryaha ugu mushaaxayso
Waa Waxa macnii kale hablii uga masayreene.

Waa waxan Miliilica darteed ugu maqnaadaaye
Waa waxaan marley kale darteed ugaga maagaaye
Waa waxaan u moodaa iyada taan arkee mudane
Waa waxaan Malaysiga darteed hadalka moodaaye

Waa waxaan Manfaca iyo cunadi kaga uga madluumaaye
Waa waxaa afkaygu ugu mamay magacyadeediiye
Waa waxaan murtidi iyo tixii aan u maakubaye
Waa waxaan mulaaxduu Lahaa meerisyo u tebay

Waa Waxaan asxaabtii mudnayd kaga he maagaaye
Afartaa ma miidaaminine marin ma qaadsiiyey
Gudgudiyo mahiigaan sidii ma idin maasheeyey
Muduciga kalgacal caashaqii ma ugu muusooday
Anigoon macnaha seejinayn ararta aan meershey
Ma mutuhinin gabaygee Haddana aan midh kale taabto.

Jacayl waa masiibee hadii Lagulaa soo maagay
Oo aad mahwiga iyo shirkaa madal ka soo sheegtay
Inan muunadloo wacan hadii maanku daba rooray
Waa inaynu maankiyo caqliga talada maalaaye

Waa inaynu maaliyo aduun madaxa doonaaye
Waa inaynu reerkooda mudan yarad u miidhnaaye
Waa inaynu boqol moodhikaar madasha geynaaye
Welibana intii muunadale meerinaa galabe

Waa inaynu odaygu mudan midigta saaraaye
Waa inaan marwadi hooyadeed magac u yeelaaye
Waa inaan magayniyo la xidid ugu macnaynaaye
Waa inaan malkada ay degaan wada mabsuudaane
Waa inaynu meeqaanka Sharaf mahadho reebnaaye.

Waa inay Iyana mudantidood male ka daayaane
Waa inay midii laga calmaday nala malxiisaane
Waa inay milguhu sidu aha inanta meershaane
Waa inay macaanaynta xidid laga maqsuudaaye
Waa inay inoo mahadiyaan gobiyo meesheede.


Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay"

Sweden

 
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Xaawo Xusen Xandulle oo maamulka Majeerteeniya xaqdarro ku haysato

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Xeerkee dhigaya!

 

 

 


BUUG CUSUB

Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
More contents coming

Somaliland History

THE ISAQ SOMALI DIASPORA AND POLL-TAX AGITATION IN KENYA

"Memoir on the Western Edoor Tribes.." - By Lieutenant C.J. Cruttenden

Malao - Berbera as possible Capital of 'The Other Berberia' (Ancient Somaliland)

Postal and Monetary History of British Somaliland - By Marc Van Daele

Immigration and Emigration - South East Wales

A Seafaring Tale - By Isman Hassan Ali

Somaliland - Wikipedia


Taariikhda Saylac, Berbera iyo Sheekh

The First footsteps in East Africa; by Richard burton

The origin of Jabarti Somal

The Somali Ethnic Group and Clan System: By Jack L. Davies

Journal of Adventures in Somali Land; By John Hanning Speke

The Somali Community in the Port of London

Warqaddii Suldaan Cali Yuusuf u diray Filonardi.

Warqaddii Boqor Cisman ku baryayey  Filonardi


 
 

 
 
 


Caynaba News © 2005.