  
|
 |
Gabaygan waxaa curiyey Mubaarik Mohamed Nur (qoorubaxay)- waxay
jawaab u tahay tixdii ma guuraan ee Maxamed aw cali cartan,waxay Soo
baxday,19/11/2006.
Murti hadalka laysugu xishiyo Tixo leh maahmaaho
Hadii Gabay mulaax lagu ogaa maydhax laga diirto
Ama maanso qiimayn lahayd Marisay taadiiye
Macnihiyo Ujeedadii adaan seegin marinkiiye
Ha yeeshee hadii lay mud muday waw mudh baxayaaye
Adna maxamed aw ina Calow maaxda iga tuuji
Bal inoo Mitami yaan dar kale miiladaw geline,
Aduunkii mareeg buu noqdiyo suuq magaalo ah
Mangooliya qof joogiyo hadii moosko lagu sheegayo
Nin kastaa masaladuu watuu dhan uga miistaaye,
Milgo caashaqeedii hadii Lagula soo maagay
Idinkoon Wax meel dhigan hadii miiga lagu qaaday
Hadii ay maraykaan tagtiyo dunida meel kaa fog
Haw Malayn muraadkii inuu kaa maroorsamaye
Haw Malayn magaabada kalgacal inay ku moogtaye
Haw Malayn in muxubada cishqigu maaran kaa tahaye
Iyadaba musuusuqa jacayl kama maqnaadeene
Ha Malayn inuu keli ku miray lama maleeyaane.
Wuxu yidhi macaan baa macaan lagu muhiibaaye
Kelmedii maroortaan Maraba dhalin masaawaade
Muxubiyo amaan bay habluhu madhax u leeyiine
Kaftan Maal maquunada haween waa ku male Wayne
Muuniyo wanaag bay rabaan Maalin iyo layle
Inkastoonad Mood moodka talo Maragu kaa hoosin,
Mahuraanka sheekada adaa meerisyow tolaye,
Masalooyin Adag baa jira milayga qaarkiiye,
Sidii ay malkada reer hindiya magane uga dhoofshay
Ma ku tidhi Milgoy waa jacayl muhashadiiye
Ma ku tidhi adaa lagugu muday Muxubadaydiiye
Ma ku tidhi marlay kale haween maaran baan ahaye
Ma ku tidhi cishqaa laygu maray waad i moogtahaye
Ma ku tidhi mabda’a aan watiyo maluhu waa guure
Ma ku tidhi dartaa baan manfaca ugaga maagaaye
Ma ku tidhi hadii mawd i helo melegu waa Kaaye
Ma ku tidhi hadaan kaa maqnahay waad i mirataaye
Ma ku tidhi marwooy hoo naftaba Magan u sii hayso,
Intaasoo Masala iyo daraan maanka lagu haynin
Hadii aad macbuud waa alle muran la’aan sheegtay
Oo ay Iyadu maya ku tidhi waa min faal jabaye,
Waxba yaanan maaweelo guud kugu mashquulsiine
Waxa Maanta aan odhanaya xaal munaasibahe
Mar shanaad ku quusoo hadii maluhu beenoobo
Mahuraanka caashaqa Haday kula macnayn Waydo,
Marbaa samirku kugu waajibaa Mahadis keenaaye
Oo aad waxaad maaganayd Kaba macaashtaaye
Midaad muuqa Dahab moodid oo magacna keedii leh
Milcsigana quruxdeeda tii lagu masaaalaayo
Magaalada burcaba waad ka heli Meel Adoon tegine
Intaan mudantidii reer tolkeed gole u maageero
Oo aan masaawaynta xidid ula muraadoono
Maxay Taasii kula tahay wakaa muhindiskaygiiye?
Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay"
Sweden.
|
| Caynaba News
kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay
akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan. |
|
|
 |
Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii
Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
|