news@caynaba.com    
Top Sites


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

Suugaan
Hoyga Suugaanta
Aftahan
Farshaxan

Somaliland Links

Sanaag Web
Somalilandorg
Radio Somaliland
Hadhwanaag News
Somalilandtoday
Halgan News
Qarannews
Sooyaal News
Togdheer News
Somalilandnet
Somalilandfuture
Somalilandcenter
Somaliland Law
Iftin News
Golis News
Haatuf
Somalilandtalk
TV S/land Europe
Hargeysa News
Reddsea-Online
Waridaad
Garadag Online
Ceel-Afweyn
Tuuruus

SOPRI
Togdheer Sports
Somaliland Ed


Somali Links

Maxkamadaha
Wadanka News
Hornafrik News
Waaga Cusub
Shabelle.net
D a l k a

 
 

Silsilad Suugaameed
Gufaaco - M X Cabdulle
Gubtahanyo -M C Haldeeq

Kala miyo

By: Mubaarak Mohamed Nuur "Qoorubaxay"
1.Cartan 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5.Cartan 6.Mubarak
 Gabaygan waxaa tiriyey Mubarak Mohamed Nuuk (qoorubaxay) wuxuuna jawaab u yahay Tixdii gabayga ahayd ee Maskax Godol ,uu soo tiriyey maxamed aw cali Caran,waxayna soo baxday 21/11/2006.

Hal muceedka suugaanta Mudan meeris iyo hooris
Hadii aan macnaa iyo naxwuhu meel u Wada jeedin
Ama aanu miisaanka Gabay haysan marinkiisa
Moqoraysi buu kaa noqdaa miilo Booliyahe
Dadkuna way masuugaan Tixdaan wadanin maahmaahe,
Maamuuska sharaftaa sidaad ugaga maansootay
Iyo sidaad u kala muujisee moosinku u aastay
Alleylehe Mid waqalaad ridoo muula waad tahaye,

Anigoon Murtida baanaheed Madasha dhaafaynin
Arar miigan geeraar milga leh duluc mahiigaana
Magaynada xishood sheekadoo maydhax laga diiray
Muran li hadii loo kaftamay waa midaan rabaye
Balaan mariyo Mawalaha ilaaha Matadi weeyaane,

Geel jire madheedhkuu ogyahay meesha laga goosto
Ushoo meel u taaluu jartuu Male su’aalaaye,
Hayeeshee Markhaatiguba waa kiis maxkamadeede
Mahwi laysu soo galay qofuun magac la weydiiye
Waxaan anigu maankay ka helay Amase ii Muuqday

Inantaa midhcahan iyo Midhcahan kugu Mataanaysan
Inantaa muquunada jacayl miratay laabtaada
Inantaa kalgacal maaxashada caashaq kula maagay

Hadii muruq intuu cadaw la tegay salabka loo miidhay
Ama maal intoo laysku xidhay madaxfur loo sheegtay
Maamuus wixii aan Kariyo macalin diimeed ba
Intaba Waynu maarayn lahayn Malin gelinkeede
Macnahiyo sheekadu Haday mayiyo haa joogtay
Oo aan nin loo meherin kale aqala loo muujin
Hadii aanay maanicin warkaad ula muraadootay
Ama aanay madal laysu yimi midigta kaa taagan
Amaan Mudantideed iyo tolkeed maanac kaga Dhaaran
Waa ila maroor xaajo aan kaga masuugnaaye,

Masalooyin dhowraan hadeer miiska soo dhigiye
Kala miyo Midaad door biduun adiyo maankaaye,

Metaal uguba oon hore la Maqal lagana maansoonin
Mahuraan haweenoo erga ah Subax intaan miidhno
In maraykan aan ugu diriyo madasha ay joogto
Oo Waxay markaa soo ceshaan magane aan eegno
Iyo inaynu gabadh muunadloo muusha baa badane
Malkadii hargeysiyo burciyo magaca reer sheekhba
Habla wada muraayada ilayn mawle waa dhigaye
Mida aad isleedahay tanaa Muxibadeedii leh
Inaad magaca Eebbe u xustoo Meher ku soo taagto
Kala Miyo midaad door bidaa adiyo maankaaye!.

Mudo badan hadii caashaqeed uu ku miranaayey
Maankiyo qalbigu Maxamedow Magane kaa raacay
Oo aan marley kale dhamaan Aadan muhanaynin
intay maaran kaa Noqon lahayd ama maqbuulkii san
Is maqiiqa telefoon inaad Muna ku doondoonto
Oo maqaal badheedha ah halkaa aad ka maqshiiso
Iyo inaad midiidimo kalgacal noqotid maadaysi
Ood maanka Ruux kaa jalbaday milicsigeed dhowrtid
Ama ay macaash li' naftii meel Cidla’a joogto
Kala miyo Midaad door biduun adiyo maankaaye,

Inkastood magool laacayiyo aad man urinayso
Inkastoo mahiigaan kalgacal uu ku miranaayo
Inkastoo aad maaweeladii aad u muhamanayso
Arinkaad muhiib kuu lahayn maarankaa danahe
Inaad samir Ka mooyaysatoo aad Milgo ilowdo
Iyo inaynu Maal iyo Aduun maydal iyo jeedal
Wixii aan ku maakubi lahayn uga muraadoono
Maraykaan iyaba way tagtee Lagula maareeyo
Muuqaa iyada oon filayn ama malaynaynin
inaad minanka aqalkay fadhiday subax ka maansootid
Bal inay qof kugu maakubtoo muran ku keenkeento
Kala miyo Midaad door biduun adiyo maankaaye,

Mubaarak Mohamed Nur (qoorubaxay)

Sweden
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Xaawo Xusen Xandulle oo maamulka Majeerteeniya xaqdarro ku haysato

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Xeerkee dhigaya!

 

 

 


BUUG CUSUB

Buug suugaameedka "Halqabsi" waxad ka helaysaa murtidii Abwaan Max''ed Aw Cali Cartan. Waxad ka heli kartaa
More contents coming

Somaliland History

THE ISAQ SOMALI DIASPORA AND POLL-TAX AGITATION IN KENYA

"Memoir on the Western Edoor Tribes.." - By Lieutenant C.J. Cruttenden

Malao - Berbera as possible Capital of 'The Other Berberia' (Ancient Somaliland)

Postal and Monetary History of British Somaliland - By Marc Van Daele

Immigration and Emigration - South East Wales

A Seafaring Tale - By Isman Hassan Ali

Somaliland - Wikipedia


Taariikhda Saylac, Berbera iyo Sheekh

The First footsteps in East Africa; by Richard burton

The origin of Jabarti Somal

The Somali Ethnic Group and Clan System: By Jack L. Davies

Journal of Adventures in Somali Land; By John Hanning Speke

The Somali Community in the Port of London

Warqaddii Suldaan Cali Yuusuf u diray Filonardi.

Warqaddii Boqor Cisman ku baryayey  Filonardi


 
 

 
 
 


Caynaba News © 2005.