Tixdan gabayga Waxa jawaab u tahay gabaygii Mulaax
u
dambeeyey ee uu tiriyey Maxamed aw Cali Cartan, Waxaa tiriyey
Mubaarak Mohamed Nuur (qoorubaxay),waxayna soo baxday 25/11/2006
Masafayta Jiiftada Lingaxan tuducyo Miisaan leh
Gabaygaan mar iyo laba Lahaa Ararta Muuneeya
Ee
aan Magaabada cishqiga Ugu muquuraayey
Macnihiyo naxwihii way durkeen noqoyey Maashaaye
Madi noo irmaan buu noqdiyo Miilalyada ceele
Marqa furay intii aan Lahaa tixaha meeleeye
Intaan Maxamed deeqoon Murtida Kala Minwaaraynay
Ee
aynu maadaha jacayl Muxibo heesaynay
Inkastoo Mildhaadhiga Dhul kale la iga soo maagay
Oo
reero kale iyo muskood Moosin iga hawlay
Oo
inaan Madaafiic rakibo joogo Milaygeedu
Hayeeshee Midhkaan Odhan Lahaa waw mudh baxaya
Wuxu yidhi Miliilica jacayl Saad u kala miirtay
Manaxaanka caashaqa sidii aad u muhanaysay
Sida aad Markii uu ku helay ula madluumaysay
Murugada kalgacaluu ku baday maqalay dhawr goore
Masaalkana waxaan Odhan lahayn celinay maahmaahe,
Aniguna xanuunkaan mutiyo Mahadhaduu reebay
Wixii aan ka soo maray tilmaan Muunadlaan dhigaye
Mareegahaba waa kaa ku qoran Maalin iyo leyle
Inuu xaal macruuf yahay Ayaan muran ka taagnayne
Masaftaynu wada saaranahay mari badweyn taase,
Hayeeshee Makaawaha jacayl Meeris iyo sheeko
In
mariid Mariid kale ka dhayo Maanta wa u koowe
Inkastaan qof Meeli u cadahay Dhan u madoobaado
Oo
aanu Maaweelo kale doonin madaxiisu
Adna maluhu kaa taagan yahay ama muraadkaagu
Hadii aan milgiyo muna la helin Maaroba mataane
Si
kastoon u maarayn Karaba Waynu Mudacyayne
Afarataa Maluugaha kalgacal Moora uga baadh dhe
Qalbi mudan mataantii ka maqan Muhashadiisii dheh
Mahuraanka Caashaqa cilmaa lagu mataashaaye
Rag
kaluu maraan maray beryahan Milayga koodii dheh
Arin kalena waa maansadaad haatan Marinaysay
Muudaaga aarkuba marbuu debeda meeraaye
Maroodiguba qalanjada beryuu ayda ka mirtaaye
Maroor Wayne awrkaa halaa laga maqneeyaaye,
Hadii aan masaafayn lahayn Meeshu halis weeye
Dhabar kii garaacii madheedh looga mayi maayo
Hadii aad madiidayn lahayd diinta laga maanac
Hadii aan maxkamad geyn lahayn meher kumaad jiidin
Maqbuul iyo gudoonkii ma dhicin maragna muu joogin
Iyadiina haa iyo maya kuula muhan wayday
Adigiina maankiyo caqligu damacyey muuqeeda
Samir inaad ka mooyaysatana kula mudnaan weyday,
Marwo udugle qurux iyo marwaad lagu malxiisaamay
Magaaladii burciyo reer togdheer Magarku qayshaaro
Mid
inaad kasoo qaayibtoo aqal laguu Muujo
Midigtaad ka soo taagatoo nagala meermeertay
Mawlaha ilaahee isagu Xaalka kala muuja
Arimaha macbuudka leh Hadaad marin san waydiiso
Masjidka istaqfaarada Hadaad ula muraadooto
Hadii aad Mudo iyo dhowr usbuuc xaajo Waxay moodo
Nafta aad ku maradhaamisoo taloba meesheede
Inuu maanku kuu yara degaa ama mastuurnaado
La
madluunka caashaqa ayay magaca dhaantaaye.
Mutulaha ninkii soo Dhisaa muruq ka sii Wayne
Inta xaalku kala miirmayuun Samirka Muunayso.
dhamaad.