news@caynaba.com    


Audio News
BBCSomali.com
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

Radio Hargeisa
Radio Golis
Radio Waaberi
Radio Horyaal

 
 



POETRY

MAAWEELO
Abwaan Saleebaan Nuux Maxamed  ( jiir)

WAA SILSILAD SUUGAAMEED UU BILAABAY MAX'D AW CALI CARTAN

1.Cartan 2.Mubarak 3.Cartan 4.Mubarak 5.Cartan
6.Mubarak 7. Sagal 8. Fahmo 9..Cartan 10. Sagal
11.Mubaarak 12. ahmo 13. Cartan 14. Mubaarak 15.Saleebaan
16. Cartan        
         

Gabaygan MAAWEELO waxaa tiriyey  abwaan saleebaan nuux maxamed (jiir)maantoo aay taariikhdu tahay 26.11.06 waana  gabay ku soo  biirey silsiladii gabayga ahayd ee ay is waydaarsanayeen labada abwaan ee maxamed aw cali cartan (haldeeq)  iyo abwaan mubaarik  maxamed nuur (qooru baxay)

 

Minka gabayga maalmaham dambe kama aan maansoone

Anoo gabay midhkiisaba hela oo miinka kaba qaada

Mooraar halbeegliyo ma tirin  maan u hadalkeede

Macrifkiisa waataan ka tegey marin odhaahdiiye

Kamana aan min furin ee dantaa maanicaa tidhiye

Aan miisaamo oo murtida midig abaaleeyo

 

Hadii gabay macaan leeyahay  miirad iyo maaxid

Maanqaadka  maansada  mooradiyo luuqda

Micno qaadka erayga  maayadiyo xooga

Murti hadalka  xaajada dhabtaa   marin  habaynteeda

Midi saaf ujeedo leh   macnaha  hadal ka faaloodka

 

Idinkaa midhkiisii  tirshoo seegin marinkiiye

Mayay roob sidii sii  arlada maasho ugu faafye

Maqrib iyo mashriqbuu ka dhacay mihindiskiiniiye

Makhluuqana uma wada sinee  maayo igu beerye

Madaxay I gooysey tixdii muxubo heeloode

Maansooyinkii kala darnaa waa I mirkiciyeene

 

Aniguu I maayracay cishqigu maalin iyo layle

Waa waxaan muraadkaan lahaa heedhe iga moosay

Waa waxaan la maansoonayaa mahadhadiisiiye

Waa waxaan hablaha maanta kacay heedhe uga maagay

Waa waxaan dantaydii milgaha uga misoodaaba

Waa waxaan malyuun xaawalay mayada ugu boobay

Waa waxaan meel qudhuun manta igu foogay

Waa waxaan meeshay joogtay (Manchester) maanta ula haysto

Waa waxaan minankii dhulkii maanta uga dhoofay

Waa waxaan maroodiga dibjirey ula muraaqooday

Waa waxaan  qurbaha maantadan heedhe igu meershay

 

Jacayl waa midiyo xiirayoo jara mataanaaye

Muruqyada halbowlaha cadkuu mici ku gooyaaye

Maaweelo qaarbaa u qaba amase maasuuge

Muxubaduba qaarbaanay mirin maagin weligoode

Intuu  curad mekeley baan ogahay mootan maantadane

Boodhari meeshii uu dhigaa laga masaalaaye

 

 

Mergiga sidiisoo kaluu midabo jaad yahaye

Marbuu macaan kuu da,aa dhabaqsataa miide

Marna waa mur waabay ah aan marin jidiinkaba eh

Waa masalo caadiyoo nafluhu badiba soo maraye

Maantaba hadii uu ku mirey maxamedoow  waa mus iyo huuge

Maankayga talo  waxa aan qabaa waa midaan odhane

 

Talo  waa mid qaad iyo mid seeg ama  midkood yeele

Midi laguma goyn karo  oo waa sida midiidkiiye

Male lagu jaro oo  runtaa lagu minguurshaaye

Manfacna laguma doorsado ama maraykaane

Waa maaxsan mawluhu baxshoo lagu macaashaaye

Miday aniga  ila tihiyo  bal aan meersho taladayda

 

Hadii muxubo heelaysan tahay aanad marin dariiqeeda

Ma hadhay ku reebtaa qalbiga maaxna dumisaaye

Waxay miihidaa xanuun lama maleeyaane

Maarona uma heshid dhibtii miratay laabtaada

 

Hadii qof muraad  kaa galoo muhasho kuu hayso

Runta lagama maagee mudhbaa lagu yidhaahdaaye

Ileyn milil dushii lama dhayoo madhacdo weeyaane

Ma huraana  weeyaan inaad xaajo mirisaaye

Hurdadii ka maarmoo indhaha midhiq masiiyoba dheh

Manfacii iyo oontii beryahan waan kala masuugnaa dheh

Muxubada daraadaa  wadnuhu maagi dayn waa dheh

Magacaaga goortaan maqloba  mahadsan waa farax dheh

Aduunyada mid kula midi waa lamaba sheegaan dheh

Ma hurtona weeyaan inaan kula maqsuudaa dheh

Maankaad dhex jiiftaa aroos maaganbaan ahay dheh

 

Talo waa mid qaad iyo mid seeg ama midkood yeele

Midi laguma goyn karoo waa sida midiidkiiye

Male laguma jaroo runtaa lagu minguurshaaye

Manfacna laguma doorsado ama maraykaane

Waa maaxsan mawluhu baxshoo lagu maacaashaaye

Miday aniga ila tihiyo bal aan meersho taladayda

 

Maaweeli habeen iyo dharaar waa meseladoode

Muuqeedu hadii uu fogyahay waad u muhutaaye

Telefoonka meylkiyo ku miis maayadiyo fax-ka

Gabay madhax leh maansooyin tiri magic ku soo jiido

Manfac iyo aduun hadii aad hurtaa waa mid kuu maqane

Maralayda dumar waa midkay ugu muraadshaane

Macmacaanka moodka iyo waxay qaado midigtaadu

Marba waxaa awoodid waa inaad miiga saartaaye

Hadalada macaanee qalbiga maaxda gelinaaya

Waa mida haboonee marwada lagu maquunshaaye

Maskaxdeeda godol waa intay muxubo reentaaye

 

Talo waa mid qaad iyo mid seeg ama midkood yeele

Midi laguma goyn karoo waa sida midiidkiiye

Male laguma jaroo runtaa lagu minguurshaaye

Manfacna laguma doorsado ama maraykaane

Waa maaxsan mawluhu baxshoo lagu macaashaaye

Miday aniga ila tihiyo bal aan meersho taladayda

 

Ma huraanka xoolaha la dhoqo minan dhulkeeniiba

Maaciga aduun geelaa u mudan amase maadhiine

Moodhi kaarka baabuurna waa muf iyo faase

Miyi iyo magaaloba hadaan meel isugu geeyo

Meeshaba wixii yaal moodka iyo noolka

Meherley hadaad noqoto waa  mid kuu taal dheh

 

 

Dhamaad

 

Abwaan saleebaan nuux maxamed  ( jiir)

  India

Hambasa01@hotmail.com

 
Caynaba News kama masuul aha afkaarta ay xanbaarsan yihiin qoraallada ay akhristayaashu fekerkooda ku cabbirayaan.

Habaarqabihii 3 aad ee Somalia ka kaca (new)

XASUUQ

Xasuuqan Ulakac ah

 

 

 


Somaliland History

 
 


Caynaba News © 2005.